Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, dib uhishiisiinta iyo dowladaha Hoose maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu hakiyay ilaa amar dambe Xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in ay Xaafiisyo ka furtaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Hakintan ayaa waxa ay wasaarada arrimaha gudaha  Koofurgalbed ku macneysay inay tahay iyadoo la doonayo in la dhamaystiro sharciyada xisbiyada ee Maamulka Koofurgalbeed

Maamulka Puntland ayaa hore u hakiyay, in Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka ka jira ay xafiisyo ka furtaan, ayaga oo xiray dhammaan Xafiisyaddii ay ka furteen deegaanada maamulkaasi.