Qaraxyo xooggan ayaa xalay gilgilay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo la qarxiyay guryo ay degan yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa miino lagu xiray darbiga Guri uu deganaa Taliyaha Ciidamada Puntland ee ka howlgala Buuraha Galgala.

Qaraxyada ayaa burbur u geystay guriga Taliyaha iyo kuxigeenkiisa, waxaa la sheegayaa inuu aanu geysan wax khasaare nafeed.

Dadka magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in qaraxa uu hurdada ka kiciyay, isla markaana uu ahaa labo qarax oo magaalada ruxay.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalo ka wada Xaafadaha Boosaaso, waxaana xaalada magaalada ay saakay tahay mid degan.