Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay Sh/Hoose xalay ka fuliyeen Ciidamo Mareykan iyo Ciidamo Soomaali ah, kaasoo khasaare uu ka soo gaaray dad Shacab ah.

Inta la ogyahay Haweeney ganacsato aheyd ayaa ku geeriyootay, halka ay Saddex qof oo kale ku dhaawcameen, kadib markii la rasaaseeyay gaari Homey ah oo sida khudaar iyo Digaag, kaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Haweeneyda geeriyootay ayaa la sheegay inuu u rarnaa gaariga la rasaaseeyay, waxaana meydkeeda la keenay Isbitaalka Madiina, halka Saddexda qof oo dhaawaca h uu ugu daran yahay Milkiilaha gaariga xaaaldooda Caafimaadlagu dabiibayo isla Isbitaalka Madiino.

Mid kamid ah dadka dhaawacyada ah ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in iyagoo marayay deegaanka Ugunji oo u dhexeeya Jannaale iyo Mubaarak ay Nalal waaweyn ku qabatay diyaarad, iyagoo cabsi ay ka qaadeenna gaarigooda ku baxsadeen, taasoo keentay iney rasaas la dhacaan Ciidankii diyaarada saarnaa.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay iney jirtay dagaal dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidanka isbaheysanayay, inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada howlgalka fuliyay, balse Shabaabku waxa ay sheegeen in dad Rayid ah la duqeeyay, Guryo Shacab ay leeyihiin la gubay.