Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan nin xaaskiisii ku diley deegaanka Caloolweyn oo ka tirsan degmada Warsheekh ee gobolka sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in nin magaciisa lagu sheegay Jimcaale Jeego uu rasaas ku diley xaaskiisa oo lagu magacaabi jirey Xaliimo Cadeey.

Haweeneyda la diley ayaa la sheegay in ay u dhashay ninka ka dambeeyay dilkeeda labo carruur ah waxaana dilka uu salka ku hayay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay qoyskan.

Ninka xaaskiisa dilay ayaa la sheegay inuu baxsaday kadib markii uu diley xaaskiisa iyadoo la sheegay inay raadinayaan ciidamada amaanka degmada Warsheekh.

Allaha u naxariistee haweeneydan la diley ayaa ka badbaaday isku day dil oo uu ninkan damacsanaa muddo laga joogo dhowr bilood,waxaana lagu xirey saldhiga degmada Warsheekh,sida uu u sheegay Jowhar.com qof degen deegaanka Caloolweyn.

Dilka ay u geystaan ragga xaasaskooda ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe waxaana xarunta gobolka Sh/dhex ee Jowhar uu ku diley nin xaaskiisa kadib markii uu la guursaday xaas kale.