Faahfaahin ka soo baxay dil ka dhacay maanta magaalada Boosaaso

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil saaka ka dhacay  suuqa ugu weyn magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Dabley hubeysan ayaa waxa ay ku dhex dileen suuqa magaalada Boosaaso askari ka tirsan ciidamada dowlada hoose  oo xilligaa howlihiisa shaqo ku dhex jirey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilka askariga ay goobta ka baxsadeen, iyadoo uu qalqal galay ganacsiga suuqa ugu weyn magaalada Boosaaso.

Waxaa soo kordhaya dilalka ka dhaca magaalada Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn maamul goboleedka Puntland.