Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah degmadaasi lagu dilay afar ruux oo shacab ah.
Dadka la diley ayaa ka shaqeynayay deegaan lagu magacaabo Dhiin-Waris iyadoo dabley hubeysan ay soo weerareen xalay saqdii dhexe.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka dadkan, waxaana meydkooda la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Dadka la diley ayaa wararku sheegayaan inay ka soo jeedaan gobolada Koofurgalbeed ee Soomaaliya iyadoo dhowaan warar soo baxayayna ay sheegayeen in lagu amray dadka ka soo jeeda Koofurgalbeed inay isaga baxaan magaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Hase yeeshee warkaas ayaa waxaa beeniyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. balse weerarka xalay lagu qaaday dadkan xoogsatada ah ee ka shaqeynayay goob lagu xanaaneeyo Shinnida ayaan weli ka hadlin maamulka Galmudug.