Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira qarax ka dhacay suuq weyn oo ku yaal deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay iyadoo qaraxaasna ay ku dhinteen lix ruux halka afartan kalana ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo ka dhacay bartamaha suuq lagu iibiyo xoolaha oo maalinta Arbacada la isugu yimaado ayaa dadka wax ku noqday waxa ay isugu jireen xoolo dhaqato iyo ganacsato.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la geeyay isbitaalada ku yaal magaalada Baydhabo waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay sii kororto.

Deegaanka Goof-gaduud ayaa soddon km dhinaca Waqooyi ka xigaa magaalada Baydhabo waxaana ku sugan ciidamada Maamulka Koofurgalbeed iyadoo hore dhowr jeer ay u soo weerareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.