Faahfaahin ka soo baxaysa qaax ka dhacay degmada Ceelwaaq

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay maanta goob ganacsi oo ku taal  degmada CeelWaaq ee gobolka Gedo.

Qaraxan oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel maqaaxi ah oo shaaha laga cabo bartamaha magaalada Ceelwaaq.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn saldhigga degmada Ceelwaaq.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay afar kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Degmada CeelWaaq ayaa ku taal meel ku dhow xadka uu dalka Soomaaliya la wadaago dalka Kenya waxaana hore ugaga dhacay dagaalo ay ku soo qaadeen ururka Al-Shabaab.

 

.