Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax xoogan ka dhacay caawa wadada Soddonka ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxan ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa kuwa dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fogfog waxana uu ka dhacay halka loo yaqaan Labo Dhagax ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxan lala eegtay gaari marayay wadada soddonka lamana oga gaariga ka badbaaday qaraxa cida wadatay.

Wadada soddonka ayaa labo maalmood ka hor sidan oo kale waxaa ka dhacay qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay waxaana qaraxaas ku dhintey darawal waday gaari uu lahaa madaxa Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa miinada dhulka lagu aaso ayaan ahayn mid ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo badanaa qaraxyadan ay ahaayeen kuwo lagu aaso duleedka magaalada Muqdisho iyo wadooyinka kale ee gobolada dalka gaar ahaan deegaanada ay ka howlgalaan ururka Al-Shabaab.