Faahfaahin ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay Muqdisho iyo dowlada oo ka hadashay

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe waday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa  ka soo baxay qarax duhurtii ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay suuq ku yaal isgoyska Kaawo-Godey.

Tirada dadka ku dhintey qaraxan ayaa la sheegay in ay ka badan tahay toban ruux halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay qaraxan ayaa sheegtay in qofkii ka dambeeyay qaraxa ee waday gaariga qarxay ay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen.

War ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay in wadaha gaariga uu doonayay inuu ka gudbo bar koontarol balse markii ay ciidamada joojiyeen uu isku dayay inuu ka baxsado halkaas.