Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Zakiya Xuseen ayaa ka hadashay iskahorimaad hubeysan oo caawa ka dhacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo booliis ah iyo ciidama kale oo hubeysan waxaana uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo Suuqa Xamar weyne u tagay dukaameysi.

Taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya Jen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in iska hor imaadka uu dhax maray ciidamo booliis ah iyo kooxo burcad ah oo doonayay in ay dhac u geestaan dadka dukameysiga u tagay Suuqa Xamar Weyne.

Zakiya ayaa sheegtay in isku dhaca uu ku dhintay hal qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 3-qof oo kale, waxa ayna xustay in ay qabteen ciidamada booliiska saddex ruux oo ay ku tilmaantay inay ahaayeen burcad kuwaasoo mid kamid ah ku dhaawacmay iska horimaadka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar waxaa ka dhaca iskahorimaadyo dhex mara ciidamo ka wada tirsan dowlada iyadoo dagaaladaana ay waxyeelo ka soo gaarta dad rayid ah.