Faahfaahino ka soo baxay dagaal xalay ka dhacay degmada Afgooye

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Afgoye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ayaa saddex jiho ka weeraray fariisimo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada Afgooye iyadoo halkaa dagaal culus uu ka dhacay.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowlada ayaa waxaa  ay sheegeen in labo askari ay kaga geeriyootay dagaalka halka saddex kalana ay kaga dhaawacmeen.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo ka hadlay dagaalkan ayaa ku tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid fashilmay oo ciidanka dowlada ay ka hortageen, maadaama markii horeba laga war hayay.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in  ciidanka Booliska weerarkan ay kaga geeriyoodeen laba askari ayna saddex kale ugaga dhaawacmeeen.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in tirada ciidamada dowlada ugaga dhimatay xalay ay tiradaas ka badan tahay uuna ku jiro mid kamid ah taliyaasha baraha koontarool ee magaalada Afgooye.

Cumar Cabdqaadir Macalin Nuur oo ahaa taliyaha bar koontarool oo ka mid ah baraha ugu muhiimsan magaalada Afgooye ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkan xalay ka dhacay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar Cabqaadir uu ahaa wiil uu dhalay wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Khaliif Cabdqaadir Macalin Nuur.