Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalo qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho iyo deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Howlgalka ugu horeeyay oo laga fuliyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay labo ruux oo la rumeysan yahay inay ka tirsanayeen ururka Al-Shabaab.

Labada ruux ee la soo qabtay ayaa mid kamid ah la rumeysan yahay inuu ka fuliyay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan uuna fududeynayay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qofka labaad oo laga soo qabtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeynayaa inuu abaabulayay waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed sida lagu daabacay wakaalada wararka ee SONNA.

Dhinaca kale howlgal ay fuliyeen ciidamo Soomaali iyo Maraykan ah ayaa isla 18kii bishan waxa uu ka dhacay Aw-Dheegle iyadoo lagu burburiyay xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

Howlgalkan ayaa sida ay sheegtay dowlada federalka waxaa lagu diley saddex ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaaab.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada dowlada waxaana uu warkan ku soo beegmayaa xilli ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerareen degmada Balcad iyo deegaanka Dhanaane oo ka kala tirsan gobolka Sh/hoose iyo Sh/dhexe oo kulaala caasimada dalka ee Muqdisho.