Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dab ka kacay dhisme ku yaal bartamaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka qabsaday Daarta Alkhaleej taasoo ku taal qeybta loo yaqaan Cabdalla Shideeye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inuu socdo dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo dabkan iyadoo laga cabsi qabo in uu ku sii fido qeybaha kale ee suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka dab damiska ayaa gaaray goobta uu dabku ka kacay waxaana laga cabsi qabaa in uu dabkan sababay qasaare hantiyeed.

wixii ku soo kordha wararka kala soco jowhar.com