Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dad rayid ah oo lagu laayay deegaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Illaa lix ruux oo ay carruur ku jiraan ayaa  la sheegay inay dhinteen halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen dadkan rasaas lagu fuay.

Falkan oo dhacay xalay ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dabley hubeysan oo ka baxsaday goobta kadib markii ay hubsadeen inay  waxyeelo ay ugeysteen dadkii saarnaa gaariga.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu marayay xilli habeenimo ah meel u dhexeysa deegaanka Banyaaley iyo Teedan oo ka tirsan degmada Maxaas.

Lama oga ujeedka ka dambeysay falkan laga argagaxo hase yeeshee maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay inay baarayaan dadkii ka dambeeyay falkan.