Faahfaahino ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaan ka mid ah gobolka Galgaduud

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal maanta ku dhexmaray ciidanka Galmudug oo kaashanaya maleeshiyo beeleed iyo dagaalamayaal  ka tirsan ururka Al-Shabaab degaanka Golongole oo ka tirtsan degmada Guriceel gobolka Galgaduud.

Illaa toban ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen iskahorimaadkan iyadoo dagaal saacado socday uu dhex maray dhinacyada  dagaalamay deegaanka Golongole oo 80km u jirta degmada Guriceel.

Dagaalka ayaa ka  bilowday maleeshiyo beeleed is abaabushay iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab waxaana gurmad u sameeyay maleeshiyo beeleedka ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wararka u dambeeya ee ka imaanaya deegaankaas ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanka Golangole.