Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay inay gubaan gaadiidka dhuxusha u sida magaalada Muqdisho kuwaasoo soo mara wadada u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka.

Ugu yaraan saddex gaari oo dhuxul u sidey magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay labadii maalmood ee la soo dhaafay inta u dhexeysa degmada Balcad iyo degmada Jowhar.

Ma jirto cid wax ku noqotay gubista gaadiidkan dhuxusha sidey oo mid ka mid ah lagu gubay wadada laamiga ah ee u dhexeysa deegaanada Gololey iyo Qalimow oo ka tirsan degmada Balcad. Darawaladii gaadiidka waday ayaa la sheegay in la sii daayay balse gaadiidka ay wadeen ayaa gebi ahaanba ku gubtay dabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiidka waaweyn ee dhuxusha geyn jirtey magaalada Muqdisho ee mari jirtey wadada Afgooye ay bilaabeen inay u soo wareegtaan wadada Balcad kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku gubeen gaadiid badan inta u dhexeysa degmada Wanlaweyn iyo magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa hore u sheegay inay mamnuuceen  gebi ahaanba ka ganacsiga dhuxusha iyo jarista geedaha. Qiimaha dhuxusha lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho ayaa sare u kac ku yimid iyadoo saameyn ay ku yeelatay talaabooyinka ay qaadeen ururka Al-Shabaab ee la xiriirta mamnuucista dhuxusha.

Dhuxusha laga isticmaalo magaalada Muqdisho ayaa looga keenaa gobolada dalka gaar ahaan gobolka Sh/hoose iyo Sh/dhexe.