Gaadiidleyda xamuulka ka daabula Dekeda Muqdisho ayaa ka cabanaya lacago ay sheegeen in sharci darro uga qaadaan illaa lix shirkadood oo maamulka Dekeda u qaabilsan diiwaan gelinta Gaadiidka dekeda alaabaha ka soo qaada.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda Dekeda alaabaha ka soo qaada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in halkii gaari ee Dekeda galaya laga qaadayo lacag dhan $150, balse warqada lacag qabashada lagu qorayo oo kaliya $10.

Afhayeenka Guddiga Gaadiidleyda ee Dekeda xamuulka ka soo qaada oo lagu magacaabo C/llaahi Cali Mujaahid ayaa sheegay in Dekeda la dhigtay isbaaro nuuc cusub ah oo sharciyeysan, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa.

“Gaadiidka Dekeda galaya ee xamuulka iyo alaabaha soo dega ka qaadaya, waxaa midkiiba laga qaadayaa lacag dhan $150, ma jirto lacagtaas wax caddeyn la socota, warqada ruqsada ee naloo jarayana waxaa ku qoran oo kaliya $10, haddii lacagtaas dhiibin laguma ogolaanayo in aad Dekeda gasho”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Gaadiidleyda Dekeda Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay cabasho ugu tageen Wasiirka Gaadiidka, una balan-qaaday inuu arrintan wax ka qabanayo, balse aysan weli dhicin tallaab uu qaaday Wasiirka, hase ahaatee markii dambe shirkadihii uu la kulmayna ay si kale wax ugu sheegeen Wasiirka, kana gaabsaday inuu cabashadooda wax ka qabto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay dhibaato ku qabaan labada koontarool ee magaalada Muqdisho looga baxo oo ay adag tahay inay ka gudbaan, haddii aysan lacago kale aysan bixin.

Gaadiidleyda ka cabaneysa shirkadaha lacagaha ka qaada ayaa sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay shaqo joojin sameeyaan, haddii Madaxda dowladda ay arrintan wax ka qaban waayeen.