Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay nawaaxiga isgoyska Al-Baraka ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qarxiyay gaari ay leedahay Jamaacada SIMAD.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Jeylaani Axmed, kaasoo ahaa Darwalka gudoomiyaha Jaamacada Daahir Carab, iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen dhowr qof oo ku sugnaa maqaaxi ku taala halka qaraxa uu gaariga ku qabsaday.

Gaariga qaraxa qabsaday ayaa ah nooca loo yaqaano Qooqan ama kor ka feedan ee askarta raacaan, waxaana la ogeyn sababta loo beegsaday,

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo saaka shacabka ay ku soo tooseen waddooyinka Muqdisho oo xiran, waxaana Waddooyinka xiran ka mid ah qaybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan dhanka Banaadir illaa Isgoyska Tarabuunka oo Ciidanka amniga ay joogaan.