Gaari lagu soo xirey waxyaalaha qarxa oo ku qarxay Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay gelinkii dambe ee maanta kadib markii gaari yar oo waxyaalaha qarxa lagu soo xirey uu ku qarxay agagaarka koontaroolkii hore ee Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaarigan uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir hase yeeshee uu ka badbaaday.

Qofka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa qof wadada marayay iyadoo aysan jirin qasaare kale oo uu geystey qaraxan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ammaankiisu uu wanaagsanaa iyadoo laga nastay qaraxyada.