Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ku dishey maanta mid kamid ah ganacsatada suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa loo geystey ganacsade caan ka ahaa suuq Bacaad iyadoo kooxdii ka dambeysay dilkana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah,walow dilkaasi aysan weli jirin cid ay u qabteen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka ganacsadahan iyadoo hore magaalada Muqdisho loogu diley ganacsato.