Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa xayiraad ku soo rogay ganacsatada iyo dadka garsoorka u raadsada deegaanada ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa ugaga digey ganacsatada iyo dadka kale ee aada deegaanada ay ku sugan yihiin.

“Uma dulqaadanayno mana ka yeeleyno dadka loogaga yeero deegaanada Alshabaab inay aadaan oo ay la soo xaajoodaan oo ay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar.”ayuu yiri Guddoomiye Axmed Meyre Makaraan”Axmed Faal.”

“Waxaan uga digeynaa in ay dadka la soo xaajoodaan Alshabaab oo tagaan deegaanada ay joogaan inay halkaa iska joogaan ooaysan dib ugu soo laaban Jowhar.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Faal.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka sh/dhexe Axmed Faal ayaa ku amray laamaha amniga inay gacanta ku soo dhigaan ciddii tagto Al-Shabaab.

Warka ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan la sheegay in qaar kamid ah ganacsatada iyo mas’uuliyiinta ururada samafalka ama Ngo-yada magaalada Jowhar loogaga yeeray deegaano ka tirsan Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab oo ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa u doonta garsoor qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Jowhar waxaana hore u mamnuucay maamulka gobolka Sh/dhexe in garsoor loo aado deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.