Garowe oo lagu qabanayo doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in magaalada Garowe ay ka dhaceyso doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Marwo Xaliimo Yareey ayaa warkan ugaga dhowaaqday maanta magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland kadib markii ay halkaas gaartay iyada iyo qaar ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan.

“Kursigan waa mid uu baneeyay ex xildhibaan Dhahar Cali Faarax isla markaana ergadii dooran laheyd Kursiga banaan waa naloo soo gudbiyey,waxaana kursigan u sharaxan labo musharax.”ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ka qabteen doorashooyin kuraas ka banaanaatay Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxaana lagu wadaa in uu halkaa kula kulmo madaxda hay’adaha samafalka ee xarumaha ku leh magaalada Nairobi.