Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya kulankiisa u horeeyay, tan iyo markii Arbacadii la soo dhaafay si rasmi ah loo furmay kalfadhiga 5aad.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaanada in maanta oo Sabti uu jiro Fadhiga Baarlamaanka, ajandaha kulankana uu yahay dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka hor-yimid ajandaha kulankan, waxaana ay eedeyn u jeediyeen Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ka soo horjeeda ajandaha kulanka ayaa sheegay inay aheyd in fadhiga Baarlamaanka looga doodo xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Hey’adaha amniga dowladda ayaa si weyn loogu dhaliilay inay ku fashilmeen amniga Muqdisho oo todobaad gudihiis uu ka dhacay in ka badan 10 qarax.

HALKAN GASHO