Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Dowlad gobaleedka hirshabeele maanta ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyada sanadka 2019 iyo iyo weliba Sharciga Hantidhowrka.

Dood dheer kadib ayaa Golaha Wasiirada Hirshabelle waxa ay gacan tag ku meel mariyeen Miisaaniyada 2019.

Golaha wasiirada hirshabeele ayaa cod gacan tag ah ku meelmariyay miisaaniyad sandeedka 2019 iyo sharciga hantidhowrka sidoo kale wasiirada ayaa dood adag waxa ay ka yeesheen amniga deegaanada Hirshabeele.

“Golaha Wasiirada Hirshabelle kulankoodii maanta ayaa waxaa ay ugaga doodeen arrimo ay ka mid yihiin amniga,miisaaniyada iyo xeerka Hantidhowrka wayna ansixiyeen Golaha Wasiirada.”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro isagoo la hadlayay weriyaasha kadib markii uu shirka dhamaaday.

Labada sharci ee miisaaniyada sanadka 2019 iyo hantidhowrka ayaa dhaqan gali doona marka ay ansixiyaan xildhibaanaada Barlamaanka HIrshabeele oo maalmaha soo socdo la filaya in la horgeeyo.