Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shir aan cadi ahayn oo golaha wasiirradu ka yeesheen amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda.

Goloha wasiirrada ayaa shirka aad ugu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, waxaana warbixin looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo difaaca oo golaha xog dheeraad ah ka siiyay warbixinnadii ugu dambeeyay iyo qorshayaasha la doonayo in cadawga looga saaro deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan si ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadiyo dhagaraha ay argagaxisadu maleegayso.

Golaha ayaa isku raacay in ay si aad ah loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.