Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa baabi’iyay Xoghayayaasha Joogtada ee Wasaaraddaha, kaddib shirkii shalay ay yeesheen, iyadoo la adeegsaday Xeer lambar 11 oo qeexaya in la isticmaalo Agaasimayaasha Guud.

Sida ku cad xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kaliya ayaa yeelan doonta Xoghaye Joogto ah iyo Afar Agaasime Guud oo ah Safiiro.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa diyaariyay Liis Agaasimayaal cusub oo la soo xulay, waxaana lagu dhawaaqi doonaa todobaadyada soo socdo, iyadoo liiska la soo xulay ay yihiin kuwo Ra’iisul Wasaaruhu isaga fududeynayo culeysyada siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ayaa bishii  October sanadkii 2017 ku dhawaaqay guddi la socon doona tartan loo galayo xilalka Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana Guddigaas Gudoomiye looga dhigay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Guddiga uu Ra’iisul wasaaraha xiligaas magacaabay oo ka kooban 11 xubnood oo isugu jira xubno ka mid ah xukuumadda iyo xubno ka tirsan ururada Bulshada Rayidka ayaa Shaqadooda eheyd inay dabagal iyo la socod ku sameeyaan tartanka loo gali doono xilalka agaasimayaasha guud ee wasaardaha kala duwan oo la sheegay inay noqon doonaan tartan furan, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Xukuumada ayaa waxey xiligaa sheegtay inay ka go’an tahay iney fuliso balanqaadkii Madaxwaynaha oo ahaa in maamulkiisa uu abuuri doono jawi ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan, balse hada ma muuqato sidaas.