Maamulka Jubbaland ayaa magacaabay guddi hoosaad ka shaqeynaya howlaha sugida amniga guud iyo goobaha Doorashooyinka dhowaan ka dhici doonaan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in la magacaabay guddi hoosaad ka kooban saraakiil iyo khubaro dhanka Amniga ah kuwaasoo mas’uul ka ahaan doona habsami u socodka iyo xaqiijinta shaqada ciidanka Booliska ee sugaya Amniga doorashooyinka.

Sidoo kale guddigan ayaa hubinaya in ciidanka Booliska ay waajibaadkooda u gutaan si hufan, caddaalad iyo dhex dhexaadnimo xilliga doorashooyinka

Halkan ka akhriso wareegtada:-