Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta soo saaray jadwalka guud ee doorashada Jubbaland, sida tan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Qoraal uu soo saaray Guddiga ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu garwaaqsaday muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Jadwalka Guddiga soo saaray ayaa lagu caddeeyay in soo xulista iyo soo gudbinta xubnaha Baarlamaanka ay bilaaban doonto inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota.

Sidoo kale Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonta 18 Agosto.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee sida aadka ah loo sugayo ayaa taariikhdeeda lagu asteeyay inta u dhaxeysa 24 Agosto illaa 30 Agosto.

Halkan hoose ka akhriso jadwalka:-