Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shir gaar ah ka yeeshay sidii loo dardargelin lahaa qabsoomida kulamada Baarlamaanka, kaddib markii uu labo jeer baaqday kulamadii ugu horeeyay ee kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ka hadlay sidii loo dejin lahaa ajandayaasha kulamada soo socda ee Kalfadhiga 5aad iyo sidii loogu diyaari garoobi lahaa shuruucda muhiimka ah ee hortabinta u leh Golaha.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Buux ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay aad uga doodeen diyaar garowga sidii loo dejin lahaa ajandayaasha kulamada la filayo in dhowaan u qabsoomaan Golaha shacabka

Sidoo kale waxaa uu xusay in xoogga la saari doono ilaalinta waqtiga kulamada baarlamaanka, maadaama labo kulan ay u baaqdeen kooram la’aan sida uu yiri.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda ajandaha lagu bilaabay kulamada Baarlamaanka, iyagoo dalbanaya in Guddoonka uu meel mariyo soo jeedin ku saabsan in kulanka Baarlamaanka looga hadlo xaalada amniga ee Muqdisho.