Guddoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo horay uga mid ahaa La Taliyeyaasha Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib markii horaantii bishan ay magacaabeen Golaha Wasiirada.

Munaasabad kooban oo xil wareejin ah ayaa ka dhacday Xarunta Bangiga Dhexe, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Hanti Dhowrka Guud Maxamed Cali Afgooye.

Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali ayaa xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxamed C/llaahi.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa sheegay inay si wadajir ah ay ugu wada shaqeyn doonaan Horumarinta dhaqaalaha, isagoo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay.

Guddoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa si layaab ah ugu soo baxay xilkaas, kaddib markii ay magacaabeen Golaha Wasiirada, waxaa uu ka mid ahaa Guddi loo saaray inay soo xulaan cida qabaneysa xilka Bangiga Dhexe oo la xayeysiiyay, waxaa uu ahaa shaqsigii ay wateen Madaxda dowladda oo ay la rabeen xilkaan, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha oo la sheego inay xidid dhow yihiin.