Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga degmada Boondheere oo lagu magacaabi jiray Cali Hilowle.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay agagaarka Isgoyska Boondheere, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga oo goobta dilka ka dhacay tagay ayaa ka qaaday meydka marxuumka, iyagoo baaritaan kooban ka sameeyay, inkastoo aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan raggii dilka geystay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca degmada Boondheere inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, dhowr habeen ka hor ayaa lagu dilay agagaarka Isgoyska Boondheere nin dhalinyaro ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagaya muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo ciidamada amniga ay xoojiyeen howlagalada lagu sugayo amniga, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan.