Guddoomiye Mursal “Mukhtaar Roobow Waa in xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo” (Shir jaraa’id)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu degan yahay ee lagu magacaabo  Hotel Shabeel oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan Musharaxa xiran Mukhtaar Roobow Cali.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Mukhtaar Roobwo uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo buuxiyay shuruudaha musharaxnimadiisa, sida ay caddeeyeen Guddiga doorashada Koofur Galbeed, isla markaana la guddoonsiiyay shahaado ah inuu tartami karo.

Waxaa uu sheegay in xariga Mukhtaar Roobow uu yahay mid aan sharci aheyn oo aan waafaqsaneyn dastuurka Jamhuuriyadda, isla markaana aan awoodda dowladda marna loo isticmaali karin meel ka dhac iyo karaamada xuquuqda aadanaha.

“Waxaa nasiib darro ah qabashada Mukhtaar Roobow oo loo soo xiray si baalmarsan sharciga, maadaama amar maxkamadeed lagu soo qaban”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka digeen xaalada haatan ka taagan magaalada Baydhabo, isla markaana horay ugu baaqeen Xukuumadda inay faragelinta ka joojiso, isla markaana shacabka Koofur Galbeed ay u madax banaanaadaan aaya ka talintooda iyo inay doortaan cida ay rabaan.

“Waxaa ku baaqayaa Musharaxa xiran Mukhtaar Roobow in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona ogolaado in deegaankii laga soo xiray inuu dib ugu laabto, si uu uga mid noqdo Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed”ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ugu baaqay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed inay dib u dhigaan doorashada lagu wado inay dhacdo 19-ka bishan, si loo helo jawi xasilloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa kaloo Guddoomiyaha ugu baaqay Xukuumadda inay joojiso xanibaadaha ay saareyso Xildhibaanada oo uu tilmaamay in loo diiday in hoygiisa ay yimaadaa, isla markaana la qaado Bar Koontaroolada, waxaa uu xusay in Xukuumadda ay ilaaliso sharciga, Baarlamaankana uu yahay mid madax banaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono xarunta Villa Hargeysa oo ku taal xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah ah xarunta Guddoonka Baarlamaanka, halkaasna ay ku shaqeyn doonaan.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah kii uga cuslaa oo uu ka soo saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo iyo midda Mooshinka Madaxweynaha.