Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 6-da April uu Baarlamaanka dood ka yeelan doono xaalada amniga ee dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kulanka Sabtida aanay ka qeyb gelin doonin Warbaahinta, maadaama xaalad amni laga hadlayo.

Waxaa uu sheegay in Hey’addaha ammaanka loo yeeri doono, inkastoo aanu carabaabin Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee loo yeerayo.

Kulanka Baarlamaanka ayaa labo jeer u baaqday kooram la’aan ka dhashay muran la xiriira ajandaha kulanka Baarlamaanka oo uu horay Guddoonka u shaaciyay in looga hadlayo warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyaa inuu u janjeero dhinaca Xukuumadda, iyadoo isku day kasta oo lagula xisaabtami lahaa hor-taagan.