Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay iska xil saarto ka wada xaajoodka qodobada dastuurka faraya, si go’aan looga gaaro.

Guddoomiye Mursal oo shalay ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay si degdeg ah u soo gudbiso hindise sharciyeedka doorashooyinka sanadka 2020/2021.

“Si ay fududaato in doorashooyin ay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021, waxaa Xukuumadda la farayaa in si degdeg ah ay u soo gudbiso hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka”ayuu yiri Maxamed Mursal.

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen howsha qaran ee diyaarinta doorashooyinka soo socda, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ku eedeeyeen in dowladda kaga mashquushay arrimo siyaasadeed howshii laga rabay ee diyaarinta doorashooyinka soo socda.