Maxkamad ku taal dalka Kuwait ayaa ku xukuntay haweeney Soomaali ah afar sano oo xarig ah iyo shaqo adag kadib markii lagu helay dambi ah inay dishay walaalkeed.
Wargeyska Al-Anba Daily ayaa daabacay in haweeneydan ay dilka walaalkeed u adeegsatay mindi.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in haweeneydan lagu helay dambiga ay 28kii bishii September 2018 ay ku dhufatay mindi walaalkeed waxana uu ku dhintey waqti yar kadib isbitaalka.

Hase yeeshee haweeneydan ayaa qiratay dilka walaalkeed balse waxa ay sheegtay inaysan si ulakac ah u dilin.

Khilaafka qoysaska dhexdooda ayaa ah mid soo noqnoqda iyadoo dad badan oo Soomaali ah oo isku qoys ka soo jeedo ay isku dileen khilaaf qoyska dhexdiisa ka jira awgeed.