Hay’ada sirdoonka u qaabilsan dalka Maraykanka ee CIA ayaa soo saartay gantaal aan qarax ka dhalan kaasoo loogu talagalay in loo adeegsado wadamada Afghanistan, Pakistan, Iraq, Syria, Somalia iyo Yemen.

Dowlada Maraykanka ayaa bilowday soo saaritsta gantaalkan xilligii uu madaxda ka ahaa Barack Obama, iyadoo la doonayay in laga fogaado waxyeelada ka dhalan karta duqeymaha loo adeegsado gantaalada qaraxyada ka dhasha kuwaasoo dad rayid ah ay ku dhintaan.

Sida lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal gantaalkan ayaa loogu magac daray “Dabka Naarta” waxaana markiiba la gani karaa ugu yaraan boqol kiilo oo lagu hubsanayo dhisme ama baabuur si sax ah loo bartilmaameedsaday.

Wargeyska ayaa daabacay in wasaarada gaashaandhigga Maraykanka ee iyo Hay’ada Sirdoonka CIA-duba ay isticmaaleen gantaalkan balse ay qariyeen jiritaankiisa.

Hase yeeshee gantaalkan ayaa la shaaciyay in la isticmaalay labo jeer lagu isticmaalay dalalka Siiriya iyo Yemen sanadkii 2017.

Si kasta ha ahaatee tirada dadka rayidka ah ee ku dhimanaya gantaalada Maraykanku ay ku isticmaalaan dalalka muslimka ah ayaa sii kordhaya,balse dowlada Maraykanka ayaa si joogta ah u beenisa wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha ay geystaan.