Hoos u dhac ku yimid saamiyada suuqyada Maraykanka kadib xarig loo geystey sarkaal ka tirsan Shirkada Huawei

Saamiyada suuqyada dalka Maraykanka ayaa maanta hoos u dhac ku yimid kadib markii uu sii kordhay muranka u dhexeeya dowlada Shiinaha iyo dowlada Maraykanka taasoo ka dhalatay xarig loo geystey mid ka mid ah madaxda shirkada Huawei.

Meng Wanzhou oo ah madaxa maaliyada shirkada Huawei ayaa lagu xirey dalka Canada dhowaan xilli dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ay isku raaceen heshiis 90 maalmood ah oo lagu joojinayo dagaalka ganacsiga ee u dhexeeya.

Xariga Wanzhou oo ah gabar uu dhalay aasaasaha shirkadda caanka ah ee Huawei ayaa sababtay sidoo kale in uu hoos u dhac ku yimaado saamiyada suuqyada dalalka qaarada Asia.

Kadib markii uu maanta u furmay suuqa ganacsiga saamiyada Dow Jonwa ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac boqolkiiba labo ah.

Dowlada Shiinaha ayaa dalabtay in la sii daayo mas’uulka ka tirsan shirkada Huawei,iyadoo dowlada Maraykanku ay dalbanayso in loo gacan geliyo.

Dowlada Maraykanka ayaa ku eedeysay shirkada Huawei inay ku xadgudubtay cunoqabataynta ay dowlada Maraykanka ku soo rogtay dalka Iran.