Ciidanka Amniga Maamulka Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasoo ku sugnaa buuraleyda gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay ciidamada ammaanka PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay jiraan dhaawacyo badan oo gaaray dagaalamayaasha Al-shaab sidoo kalana lagu gubay saldhigyo iyo weliba raashin.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa deegaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow.

“Ciidamada #PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna Al Shabaab ka dileen 19 xubnood , iyagoo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada ammaanka ee PSF ayaa waxa ay intaasi raaciyeen in howlgaladda qorsheysan ee lagu raadinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan buuralayda Calmadow ay sii wadi doonaan.

HALKAN GASHO