Howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen ciidamada Jubbaland iyo ciidamada Danab deegaanka Janaay Cabdalle

Ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo howlgalo ay si wadajir ah ugaga fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay kula wareegeen labo saldhig oo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

Sida ay ka soo xigatay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA Maamulka Jubbaland howlgalka ayaa lagu diley illaa 18 ka mida ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan, lagana soo furtay hub kala duwan.

Howlgalkan oo la sheegay inuu dhacay maanta oo jimce ah ayaa hubka ay ciidamada dowlada soo furteen waxaa ay  isugu jireen lix qori oo AK47 ah iyo labo BKM iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.

Hase yeeshee ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada maamulka Jubba uu ku sheegtay inay la wareegeen saldhigyo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Janaay Cabdalla oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ay sida wadajirka ah u qaadeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa kumaandoosta ah ee loo yaqaan DANAB ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii Maamul goboleedyada dalka ay ku dhowaaqeen inay xiriirka u jareen dowlada federalka ah.