Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay soo afjareen howlgal ka socday Xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho halkaa oo ay weerar toos ah iyo qarax ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in lagu diley howlgalkan dhammaan dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dambeeyay weerarka kuwaasoo lagu sheegay tiradooda inay gaareysay afar ruux.

Inta badan shaqaalaha Wasaarada Shaqada ayaa laga badbaadiyay weerarkan iyadoo qaar ka mid ah ay daaqadaha ka baxeen halka kuwo kalana ay ciidamadu jaranjaro u saaraan dhismaha.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan hase yeeshee dadka ku dhintey ayaa waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Shaqada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla inta badan wadooyinka ku dhow dhow xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa la xirey iyadoo dadka iyo gaadiidkaba laga mamnuucay.

HALKAN GASHO