Inkabadan Saddex kun oo arday oo u fariistay Imtixaanka Jaamacada Horseed(HIU)

Ardayda Jaamacadda Horseed (HIU) ayaa maanta u fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kaasi oo ardayda ay kaga gudbayaan fasalada ay hadda dhigtaan.

Ardaydaa oo tiradoodu kor u dhaafeyso saddex kun oo ayaa waxay maanta u fariisteen imtixaanka 14 maado oo kamid ah kuliyadaha kala duwan ee ay bixiso Jaamacadda Horseed International University, sida maamulka ay sheegeen.

C/raxmaan Aadan Buulle oo ah madaxa imtixaanaadka Jaamacadda Horseed ayaa sheegay in ardayda oo gaareyso 3249 arday ay u fariisteen Imtixaanaadka oo si wanaagsan kaga bilowday jaamacadda.

Madaxa imtixaanaadka ayaa sheegay in ardayaan ay imtixaanka u galeen kuliyadaha Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo maamulka, Arrimaha Bulshada, tiknoolajiyada, beeraha iyo Shareecada.

Qaar ka kamiid ah ardayda maanta gashay imtixaanka ayaa sheegay ineey aad ugu faraxsanyihiin iyagoona sheegay ineey rajeynayaan natiijo wanaagsan ka keenaan intixaanka
Maamulka Jaamacadda ayaa ardayda ugu hambalyeeyay imtixaanka ay u fadhisteen maanta , waxaana ay sheegeen in dadaalka ardayda lagu kala ogaan doono heerka natiijada ay ka gaaraan.