Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay  Jowhar.com ayaa sheegqyq in is bedel weyn lagu sameeyay saddexda hoggaan ee ugu muhiimsan Taliska ciidanka Booliska oo markii ugu horreysay loo magacaabay saraakiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay kulliyadaha ciidamada.Hoggaannada Saadka, Maaliyadda iyo maamulka ayaa waxaa loo kala magacaabay Axmed Tahliil Maxamed, Asad Cali Cabdulle iyo Maxamed Cabdiwahaab Sheekh Maxamed, kadib tartan furan oo loo galay xilalkan, sida aan xogtan ku ogaannay.

Bishii Maarso ayaa ayaa isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada Booliska Muqdisho, kadib markii ay soo if baxday xaalad ammaan xumo oo magaalada Muqdisho ku soo korortay. Arrinkaas ayaa dhaliyay hadal heyn fara badan oo ku aaddan isbeddelka ku socdo ciidamada.

Ilo ku dhow dhow xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxmed “Ameeriko” ayaa sheegaya in isbedelka iyo dib-u-habeynta ciidanka Booliska uu dhaliilsan yahay, balse ay ku riixayaan madaxda sar sare ee dalka.

Horay ayaa isbedel sidan oo kale ah loogu sameeyay hoggaannada, Ciidanka, Saadka iyo Maaliyadda ciidanka xoogga dalka, iyada oo loo maray hab-raac sidan oo kale ah.

Inkastoo dadka qaar ay u arkaan in saraakiishan ay u baahan yihiin khibrado shaqo, haddana waxa ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo hoggaannada ciidanka ay qeyb ka noqdaan dhallinyaro aqoonta ciidamada jaamacada uga soo baxay, iyada oo ay sii kordheyso tirada ardayda jaamacadaha milatiragiga ka soo qalin jebinaya.