Isbitaalka Kalkaal Speciality Hospital ee magaalada Muqdisho ayaa bisha Ramadaan awgeed sameeyay qiimo dhimis 50%, waxaana lagu wargeliyay Shacabka Soomaaliyeed inay heli doonaan adeegyada caafimaad ee uu Isbitaalka bixiyo

Maamulka Isbitaalka Kalkaal ayaa sheegay inay u taagan yihiin mar walba haqabtirka baahida caafimaad ee dhamaan bulshada Soomaliyeed.

Haddaba si aad ugu faaideysato qiimo dhimistan ballaaran ee uu isbitalku sameeyay waxaad booqata xarunta caafimadka ee isbitaalka ku leeyahay magaalada Muqdisho, Isbitaalka waxaa ka howlgalo dhaqaatir leh qibrad sare oo caafimaad, isla markaana qaban kara dhamaan adeegyada caafimaad aa aad u baahan tahay.