Isgaarsiinta Baydhabo oo hawada laga saaray iyo rasaas ka socoto

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in hawada laga saaray Isgaarsiinta guud ee magaalada, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan waxaa magaalada ka jirta xiisad ka dhalatay xariga Mukhtaar Roobow, waxaa la sheegaya in rasaas laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow ay weerareen Madaxtooyada Koofur Galbeed, halkaasoo laga xiray Mukhtaar Roobow.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa ka dambeeyay, markii saaka looga yeeray Madaxtooyada Koofur Galbeed isaga iyo Musharaxiinta Madaxweynaha koofur Galbeed oo lagala hadli rabay arrimaha ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in u yeeritaanka Madaxtooyada looga yeeray ay aheyd qorshe loo degay Mukhtaar Roobow in lagu, si looga reebo tartanka doorashada Madaxweynaha.

Lama oga saameynta ay arrintan ku yeelan karto doorashada Koofur Galbeed oo la filayo in 19 bishan ay ka dhacdo Baydhabo, iyadoo saddex jeer hore dib u dhacday.