Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay afar kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib maleeshiyaad hubeysan uu dagaal ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ka dhashay lahaanshaha dhul ku yaal Waqooyiga Gaalkacyo.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku iskii u joogsaday balse ay jirto weli xiisadii ka dhalatay dagaalka.

Duqeyda dhaqanka iyo Maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada isla markaana lagu kala qaado kooxaha dagaalamay ee weli isku horfadhiya meel ku dhow xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ammaankeedu uu wanaagsanaa bilihii la soo dhaafay hase yeeshee waxaa jira in ay jiraan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan magaalada kuwaasoo marka uu khilaaf dhaco dagaalama.

Muranada ku salaysan lahaanshaha dhulka ayaa ah mid ku soo noqnoqda magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ganacsiga ku wanaagsan oo dad badanina ay ku nool yihiin.