Dood ku saabsan Sababaha iyo natiijooyinka ka dhasha faragalinda Shisheeye ee Soomalia iyo sidii looga bixi lahaa oo ay qabtay Jaamacadda SIU.

Doodan oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaan Fowzia Yusuf Xaaji Adan cilmi Wasiirkii hore Wasaaradda Arimaha Dibadda, Dr. Abdirahman M. Abdullahi (Baadiyow)- aqooyahan, qoraa, Robert Kluijver Macalin Katirsan Paris Institute of Political Studies: Sciences Po, Jaamacadda SIU-na Cashiro ka bixiya.

Dr. Ahmed Cali Khaire Aqoonyahan sharaciga caalamiga ah (International Law, Phd), Sheekha Bashiir Ahmed Salaad-Guddoomiyaha Daladda Culumada Soomaaliyeed.

Doodan ayaa xoogga lagu saaray mowduucyda ay kamid yihiin: saamaynta faragalinta shesheeye, dhismaha ciidan qaran oo gacanta ku dhiga amniga dalka.

Sidoo kale, waxaa lagaga hadlay dooda arrimo ay ka midyihiin nidaamka Federaalka ah iyo dib u eegida dastuurka, suurtagalnimada doorasho hal qof iyo hal cod.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Mudane Osmaan Macalin Xassan oo dooda furay ayaa soo dhaweyn u sameeyay ka soo qaybgalayaasha oo ay ka mid ahaayeen jaamacaddaha dalka, bulshada rayidka iyo haldoorka dhalinyarda oo dooda ka soo qaybgalay.

Dood dheer kadib, waxaa la isla gartay in Soomaliddu ciidan amniga gacanta ku dhiga ay samaysan karto haddii la helo hoggaan ka baxsan dano shaqsi, mid qabiil iyo mid kooxeedba. Dhinaca kalna laga shaqeeyo in la badalo dhaqan siyaaasadeedka dalka la dagay.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashadd Ismaciil Yusuf Cusman oo dooda soo xiray ayaa sheegay in doodaha noocan oo kala ah ay yihiin kuwa looga fadhiyo jaamacaddaha dalka si la isku waydiiyo su’aalo xal keeni kara.

“Waad u jeedaan sida muddo dheer kadib wali ay dadka u rabaan in ay su’aalo waydiiyaan aqooyahanda dooda fadhiya. Sidaas darteed, hala wado doodahan wax dhisiya” Agaasima Ismaaciil.

Soomaaliya ayaa ilaa 1991 aysan ka suurtagalin dowlad hanata dhammaan amniga iyo kala danbaynta dalka.