Mas’uuliyiin ka socotay Jaamacada Zamzam oo booqasho ku tagtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa la kulmay ardayda soo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare.

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal arday oo ka mid ah ardayda soo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare.

Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam ee Culumta Sayniska iyo Teknolojiyadda Ustad Daa’uud Makaraan oo qudbad uu ka jeediyay kulanka waxaa uu ka warbixiyay taariiqda Jaamacada Zamzam isagoo xusay inay heerar kala duwan soo martay haatana ay farac kamid ah faracyadeeda ka furayso magaalada Jowhar.

“Waxaan aragnay baahida ardayda reer Jowhar dhinaca aqoonta Beeraha ayaan go’aansanay in Jaamacada Zamzam oo heer sare ka gaartay gudbinta aqoonta casriga ah ay farac ka furato magaalada Jowhar.”ayuu yiri Proff Daa’uud Makaraan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Ustad Maxamud Xarbi Madaxa Diiwaanka Ee Jaamacadda Zamzam Iyo Mr Ali Mo’allim Hassan madaxa Arrimaha waxbarashada Ee Zamzam iyagoo xusay in Zamzam aysan ahayn markii ugu horeeyay ee waxbarasho ka furto magaalada Jowhar balse haatan la gaaray in Jaamacad casri ah ay ka furto magaalada Jowhar.

Qaar ka mid ah ardaydii kulankan ka qeybgashay ayaa soo dhoweeyay faraca cusub ee Zamzam ee Culumta Sayniska iyo Teknolojiyadda iyagoo uga mahadceliyay aqoonyahanadii ka soo shaqeysay sidii ardayda Jowhar u heli lahaayeen waxbarasho casri ah.

Jaamacada Zamzam ee Culumta Sayniska iyo Teknolojiyadda waxa ay faracyo ku leedahay magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya.