Jarmalka oo ku bixinaya Malaayiin Dollar mashaariic farsamada gacanta ah

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay dowlada Soomaaliya ka taageerayso tababarka farsamada gacanta.

Qoraal laga soo saaray safaarada Jarmalka ee dalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dowlada Jarmalku ku bixineyo lacag gaareysa shan malyan oo dollar tababarka farsamada gacanta.

9-kii October ee sanadkan, Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa gaaray laba heshiis oo dhinaca tababarada farsamada gacanta looga caawinayo Soomaaliya iyo kan kale oo ahaa heshiis  ku saabsan dhinaca iskaashiga maaliyadda iyo dowlad wanaaga.

Dowlada Jarmalka ayaa hore magaalada Muqdisho uga hirgelisay machad lagu barto farsamada warshadaha.