Wargeyska The Star ee ka soo baxay dalka Kenya ayaa shaaciyay in lacag gaareysa $1.7 million lagu qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta habeenimadii Isniinta.

Lacagtaan ayaa la sheegay inuu leeyahay sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka dowlada Soomaaliya oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo sida uu daabacay wargeyska The Star.

Wararka ayaa sheegaya in lacagtan ay markeedii hore ka timid dalka Ethiopia, waxaana watay sarkaalka ka tirsan Sirdoonka Somalia.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in lacagta la qabtay uu waday C/llaahi Kulane oo ka mid ah Saraakiisha NISA, kuna dhow Madaxweyne Farmaajo.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in habeen ka hor laga celiya Garoonka Joma Kenyatta, xilli uu doonayay inuu gudaha u galo magaalada Nairobi.

Tallaabada ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya uga mamnuucday in dalka Kenya la soo geliyo xamuul aan cidna la socon ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay kadib markii la qabtay lacagtan.

Ma jirto illaa hada war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Kenya sida ay ka yeeleyso lacagta gaareysa $1.7 million oo dollar ee ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta magaalada Nairobi.